|
Description:
|
|
Yassin Axmed Digfeer. Dadkii kala gado qarsada Waxbaa ka dhex guuxayee Gar-baan kuu dhiganayaa
Gudoonkuna waa adigee Gar-eex lama doonayee Garawso waxaan ku dhaho
Nin gob ah ood gacal tihiin Wiliba gacalooy ku jecel Adoon ku maqneyn wax gara Inuu gurigoo cidlo ah Sidii GAAL-SHIRE fadhiyo Miyaanu gartaa laheyn
Dar-daarankii waad gaftee Adoo fasax gaaban tagey Maxaa GOBLE kaaga xidhan Ma geel-baa kuugu dhalay
-----------------------------------------
Adoon gurro iyo canaan Adoon gacan iyo dil qabin Adoon gaajiyo dhib arag
Anoo Guri kuu sharaxay Gasiinkuna kuu dhex-yaal Wiliba Gobanimiyo sharaf Adiga guudkaaga sudhay Wiliba gacalooy ku jecel Adoon ku maqneyn wax gara Inaan gurigoo cidlaa Sidii GAAL-SHIRE fadhiyo Miyaanan gartaa laheyn
Dardaarankii waad gaftee Adoo fasax gaaban tagey Maxaa GOBLE kaaga xidhan Ma geelbaa kuugu dhalay. |